Mareykanka oo hakiyay dhaqaalihii Hay’adda UNRWA

0
86

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – 12 ka mid ah shaqaalaha UNRWA – hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin – ayaa laga joojiyay heshiisyadii ay ku shaqeynayeen ka dib markii maamulka Israel ay ku eedeeyeen inay ku lug lahaayeen weerarradii 7-dii Oktoobar.

Mareykanka ayaa sheegay in ay si ku meel gaar ah u hakiyeen dhaqaalihii ay siin jireen UNRWA iyada oo dib u eegis ku sameyneysa eedeymaha.

Guddoomiyaha guud ee UNRWA Philippe Lazzarini ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri: “Maamulka Israa’iil waxa ay UNRWA siiyeen xogta ku saabsan ku lug lahaanshaha lagu eedeeyay dhowr shaqaale UNRWA ka tirsan weeraradii argagaxa lahaa ee lagu qaaday Israa’iil 7-dii Oktoobar.

“Si aan u ilaaliyo awoodda hay’addu u leedahay bixinta gargaarka bini’aadantinimo, waxa aan qaatay go’aan ah in aan si deg-deg ah u joojiyo qandaraasyada shaqaalahan oo aan bilaabo baaritaan si aan xaqiiqada u ogaanosi degdeg ah.

Shaqaale kasta oo ka tirsan UNRWA oo ku lug lahaa falal argagixisanimo waa lala xisaabtami doonaa, oo ay ku jirto dacwad ciqaabeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here