Ghana, Ivory Coast Iyo Xulalka Waaweyn Ee Ka Haray Koobka Qaramada Afrika

0
293

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Xulalka awoodda badan ee Ghana iyo Ivory Coast ayaa ka hadhay tartanka qaramada Afrika, waxaana lagu cidhib-tiray wareeggii koowaad ee groupu-yada oo ay bandhig aad u liita ka sameeyeen, iyadoo ay dhaceen natiijooyin lagu tilmaamay mucjisooyin.

Masar oo loo maleeyey inay hadhay ayaa mar kaliya nasiib wanaagsan heshay, waxaana is-dhiibtay Ghana oo ogolaatay in ciyaartoydeedu ay iskaga noqdaan naadiyadooda, iyagoo laba gool laga dhaliyey laba daqiiqadood oo waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta, halka Masar ay waqtigii dheeraadka ahaa keentay gool barbarro ahaa.

Masar ayaa la kulantay niyad-jab daqiiqado kooban gudahood, kaddib markii ay Cape Verde ka dhaliyeen gool waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaar la isla rafaaday, laakiin iyaga oo ku mashquulsan dabbaal-degga oo niyadda gashaday in ay guuleysanayaan ay la kulmeen qalbi-jab weyn markii laga dhaliyey gool ciyaar ka dhigay 2-2.

Cape Verde ayaa gool la hormartay waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray qaybta hore, kaas oo uu u dhaliyey Gilson Tavares, hase yeeshee markii lagu soo noqday qaybta labaad oo shan daqiiqadood oo kaliya socota ayuu Trezeguet ciyaarta ka dhigay 1-1, isaga oo dhamaystiray kubbad uu ka helay Ahmed Hagazi.

Masar ayaa mar kaliya dabbaal-deg miciinsatay oo u qaadatay inay guuleysatay isla markaana usoo baxday wareegga xiga, kaddib markii uu daqiiqaddii 90+3 uu gool u dhaliyey Mostafa Mohamed oo goolhayaha Cape Verde ka dul-qaaday kubbad uu ka helay Trezeguet oo ahaa geesi garab waayey.

Cape Verde ayaa keentay goolka barbarraha oo uu u saxeexay Bryan Silva Texeira oo kubbad uu goolhayaha Masar soo difaacay ka helay xerada ganaaxa, isla markaana shabaqa ka sudhay meel-sare.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-2, laakiin Masar iyo Cape Verde ayaa usoo gudbay wareegga xiga, halka Ghana iyo Mozambique ay isla hadheen iyagoo group B ku wada jiray.

Dhinaca kale, xulka qaranka martigelinaya tartanka Qaramada Afrika ee sannadkan ee Ivory Coast ayaa ceebtii u weynayd qaatay, waxaana maanta 4-0 ku xasuuqay Equatorial Guinea oo tartanka cidhib-tiray, iyadoo saddexdii kulan ee ay Ivory Coast dheeshay laga badiyey laba ka mid ah.

Group A ayaa waxa kasoo gudbay Nigeria iyo Equatorial Guinea, halka Ivory Coast iyo Guinea-Bissau ay tartanka macasalaameeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here