Manchester United Oo Soo Afduubatay Khabiirkii Man City

0
191

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa soo afduubatay khabiirkii Manchester City ka hagayey daaha dabadiisa ee ka shaqaynayay dhismaha iyo soo-urursiga ciyaartoyda guulaha waaweyn usoo hooyey Etihad Stadium shantii sannadood ee ugu dambeeyey.

Manchester United oo markii uu Sir Jim Ratcliffe la wareegay maamulka kooxda, sidoo kalena uu iibsaday 25% mulkiyadda Man United, ayaa waxa ay raadinaysay beddelka Richard Arnold oo ahaa agaasimaha fulinta kooxda oo shaqada laga caydhiyey.

Red Devils ayaa waxa ay agaasimaheeda cusub ee fulinta u magacowday Omar Berrarda oo ud hashay waddanka Spain oo xilkaas ka hayay Manchester City laakiin iska casilay si uu u tago Old Trafford.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here