Cristiano Ronaldo Oo Shaaciyey Waqtiga Uu Ciyaaraha Ka Fadhiisanayo.

0
173

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa shaaciyey waqtiga uu ka fadhiisanayo ciyaaraha kubadda cagta ee uu kabaha tiirinayo, iyadoo uu dhowaanna isku diyaarinayo dabbaal-degga sannad-guurada 39aad ee dhalashadiisa

Cristiano Ronaldo oo bixiyey waraysi lagu weydiiyey su’aalo xasaasi ah ayaa qirtay in uu jecel yahay kubadda ay ciyaarto Manchester City oo uu waliba u hambalyeeyey tababare Pep Guardiola markii ay xilli-ciyaareedkii hore ku guuleysteen tartanka Champions League, Premier League iyo FA Cup.

Su’aalaha la weydiiyey ayaa waxa ka mid ahaa, waqtiga uu ka fadhiisanayo kubadda cagta waxaanu ku jawaabay: “Marka aan dareemo, in ay iga dhamaatay kubaddu ayaan fadhiisanyaa… Waxa laga yaabaa in ay noqoto toban sannadood kaddib!”

Isaga oo ka hadlayay gool-dhalintiisa sannadkii tegay ayaa yidhi: “Aniga ayaa ah dhaliyaha ugu wanaagsan xilli-ciyaareedkan, bal qiyaas waxa aan ku garaacay xiddigo da’yar ah sida Haaland… Waan ku faraxsanahay, hadda ogow waxa aan dhowaan noqonayaa 39 jir. Waan jecelahay marka ay dadku shakiga i geliyaan, laakiin aan u caddeeyo in aan wali fiicanahay.”

Waxa kale oo Ronaldo la weydiiyey horyaalka waddanka Sucuudiga, waxaanu ku jawaabay: “Horyaalka Sucuudigu waxa uu ka wanaagsan yahay horyaalka Faransiiska, aniga ayaana huba, sababtoo ah tartanka halkani wuu ka adag yahay Ligue 1, kooxo adagna way loollamayaan, mar kale ayaan hadalkan ku celinayaa sannad kaddib.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here