Madaxii xafiiska Aljazeera oo ka baxay Gaza.

0
57

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Madaxa xafiiska Aljazeera ee Qaza, Wael al-Dahdouh, ayaa ka baxay dhulka Falastiin Talaadadii, sida uu u sheegay AFP, kadib markii ay duqaymo ay geysteen Israel ay ku dileen xaaskiisa, caruur badan iyo saaxiibkiis

Isagoo la hadlayay wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP, ayaa 53-jirkan waxa uu sheegay in uu ka soo gudbay xadka Rafah uu la wadaago Masar.

Dahdouh waxa uu sheegay in uu u sii gudbi doono dalka Qatar halkaas oo uu ku mari doono qaliin lagaga sameeynayo dhaawac ka soo gaaray weerar ay Israa’iil fulisay bishii hore.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here