Arsenal Iyo Barcelona Oo Lagu Garaacay Dheemanka Brazil Ee Lagu Naanayso Messinho

0
164

Jowhar – ( radio isnaay ) – Kooxaha Barcelona iyo Arsenal ayaa lagu garaacay heshiiska xiddiga reer Brazil ee da’yarta ah ee lagu magacaabo Estevao oo ay dadku u yaqaanaan ‘Messinho’ kaas oo ay isku qaab-ciyaareed yihiin halyeyga reer Argentina ee Lionel Messi

Estevao oo ay da’diisu tahay 16 jir ayay kooxo badan oo reer Yurub ah indhaha ku hayaan, iyadoo lagu tilmaamo mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan ee da’yarta ah ee kasoo baxaysa Latin America.

Garabka weerarka ayuu uga ciyaaraa kooxda reer Brazil ee Palmeiras, waxaana saxeexiisa u dhaqaaqday Chelsea oo awood dhaqaale u sheeganaysa naadiyada Barcelona iyo Arsenal oo ka biyo diiday inay bixiyaan lacagta lagu burburin karayo qandaraaska uu laacibkani kula jiro Palmeiras.

Blues oo hore waddanka Brazil ugala soo wareegtay ciyaartoyda da’yarta a ee Angelo, Andrey Santos iyo Kendry Paez oo ah 16 jir iman doona Stamford Brdige sannadka 2025, ayaa waxa ay sidoo kale safkeeda mustaqbalka kusoo daraysaa Estevao.

Palmeiras ayaa la sheegay in ay dalbanayso in Chelsea ay bixiso dhamaan lacagta lagu burburin karayo qandaraaska laacibkan oo waliba qaddin ah, taas oo ah €60 milyan oo Euro, waxaanay Chelsea diyaar u tahay sida uu warku sheegay inay shubto lacagtaas oo ay soo qaadato dheemankan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here