Folkaano ka qaraxday dal Yurub ku yaalla

0
67

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Folkaano ayaa ka qarxday koonfur-galbeed Iceland – waxay ka bilaabatay meel u dhow magaalada kalluumeysiga caanka ku ah ee Grindavik, taas oo dadka laga daadgureeyay.

Waxay bilaabatay abbaare 03:00 GMT, warbaahinta guud ee Iceland ee RUV waxa ay sheegtay in aanay caddayn jihada saxda ah ee ay folkaanada u socoto.

Magaalada Grindavik ayaa dadka laga saaray bishii Nofeembar ee sanadkii hore 2023 sidoo kale waxaa la xiray magaalada Lagoon, oo ah goob dalxiis oo caan ah folkaanada awgeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here