Mikel Arteta Oo Dhigay Rikoodh Aan Wali La Jabin.

0
207

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mikel Arteta ayaa hogaamiyay Man City Hal kulan waxana uu dhigay rikoodh aan fiicnayn oo ilaa haatan jira.

Waa arin la yaab leh in laga fikiro, marka loo eego guusha uu u soo hooyey tababaraha Arsenal isaga oo da’yar ah, laakiin Arteta ayaa xirfadiisa tababarenimo ka bilaabay City.

Waxa uu ka hoos shaqeeyay tababaraha City Pep Guardiola ka dib markii uu ka fariistay ciyaaryahan ahaan intii u dhaxeysay 2016 iyo 2019 ka hor inta uusan ku laaban Emirates Stadium.

Doorka Arteta wuxuu ahaa kaaliyaha macalinka, inkastoo uu u muuqday inuu aad ugu dhow yahay Guardiola marka loo eego caawiyayaashii kale.

Labad nin ee reer Spain ayaa mar walba ku sheekaystay kaydka iyada uu Guardiola ixtiraam weyn u waxana uu wax ka waydiin jiray xaalada uu wax kaga badali karo.

Guardiola waxa uu aaminsanaa Arteta si aad ah waxa uu u ogolaaday in uu qabto xilka City marka uu ganaaxa qaadanayo.

Arteta ayaa City hogaamiyay kulan champions League ah oo ay la ciyaareen Lyon laakiin Mikel Arteta ayaa looga badiyay 2/1.

Man City ayaa looga badiyay iyada oo garoonkeeda joogta kulankaas waana rikoodh aan wali la jabin 5 sano kadib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here