Liverpool Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Fulham

0
226

Jowhar – ( Radio Isnaay ) –  Liverpool ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Fulham kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee Semi-final-ka tartanka Carabao cup-ka.

Kooxda Fulham ayaa Liverpool kaga naxsatay gool waxana u dhaliyay xiddiga Willian kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa daqiiqadii 19-aad.

Liverpool ayaa qaybtii dambe si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha ee ciyaarta.

Daqiiqadii 68-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad ahaana goolka bar-baraha waxana u dhaliyay Curtis Jones kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Liverpool ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii raadinayeen goolal ay ciyaarta ku dilaan.

Daqiiqadii 71-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddig Cody Gakpo kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool hal lug la gashay Final-ka Carabao cup-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here