DEG-DEG: Andre Onana Oo Seegaya Bilowga Koobka Africa, Sabab.

0
297

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Goolhayaha Kooxda Man United iyo xulka qaranka Cameroon ee André Onana ayaa seegaya bilowga koobka qaarada Africa ee bilaaban doona todobaadka dame.

Goolhaye André Onana ayaa seegi doona kulanka ugu horeeya ee uu xulkiisu ciyaari doono koobka qaramada qaarada Africa.

Sida laga soo xigtay i sport, Onana ayaan ciyaari doonin kulanka furitaanka ee xulkiisa tartanka koobka Africa.

Shabakada kor ku xusan ayaa sheegtay in Onana uu muhiimada siinayo xirfadiisa kooxda Man United.

Onana ayaa ciyaari doona kulanka Todobaadka dambe ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto kooxda Tottenham kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Sidaas darteed xiddiga ayaa seegi doona kulanka ugu horeeya ee xulkiisu la ciyaari doono xulka Gunie kulan dhici doona 15 bisha oo ku beegan maalinta isniinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here