Xiddig U Ciyaara Bayern Munich Oo Ogolaaday In Uu Ku Biiro Man United.

0
163

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sida laga soo xigtay warbixin ay daabacday jariiradda Bild ee Jarmalka, weeraryahanka Bayern Munich Eric Choupo-Moting ayaa ‘ ogolaaday’ in uu amaah ugu biiro Man United inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay xoojiso weerarkeeda suuqa January iyada oo lala xidhiidhinayo xiddigii hore ee kooxda Stoke City ee haatan u ciyaara Bayern Munich.

Weeraryahanada Man United ayaa ku dhibaatoonya in ay wax saamayn ah ku yeeshaan kooxda iyada oo xiddiga Rasmus Hojlund uu ku fashilmay in uu soo bandhigo wixii laga filayay.

Red Devils ayaa lala xidhiidhinayay Saxiixa Timo Werner laakiin xiddiga reer Germany ayaa u muuqda mid ku dhaw in uu ku biiro kooxda Tottenham wakhti xaadirkan.

Wargayska Bild ayaa haatan sheegaya in United isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo xiddiag reer Cameroon ee Eric Choupo-Moting suuqa January ee bishan.

Xiddiga Eric Choupo-Moting ayaa haatanba ogolaaday in uu ku biiro Unitd isaga oo ugu biiraya kooxda qaab amaah ah oo uu kula joogayo inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here