Haweeney 90 jir ah oo laga dhex helay burburka dhulgariirkii ku dhuftay Japan.

0
62

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxaha gurmadka ayaa haweeney ka soo dhex saaray burburka labo dhisme oo ku yaala magaalada Suzu.

Dhulgariir cabirkiisu yahay 7.5 ayaa ku dhuftay xeebaha Japan Isniniintii la soo dhaafay, waxa burburay magaalooyin ku yaala dhulka fog ee jasiiradda Noto.

In ka badan 120 qof ayaa ku dhintay dhulgariirka, halka 200 oo kale lagu la’yahay.

Sida laga soo xigtay wargeyska Yomiuri Shimbun, 100 shaqaalaha gurmadka degdeg ah ayaa loo diray magaalada Suzu kaddib markii la ogaaday in labo haween ah la aasay iyagoo nool.

Wargayska oo soo xiganaya booliska ayaa weriyay in haweeney waayeel ah ay ka jawaabaysay dhawaaqa kooxda gurmadka, laakiin ay la il darnayd xaraaradda jirkeeda oo aad hoos ugu dhacsanaa.

Isla aagaasi kooxda gurmadka degdeg ah waxa ay heleen islaan ku jirta da’da afartanaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here