diyaarad iyada oo hawada ku jirtay ay daaqad ka go’day

0
98

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Diyaarad rakaab ah ayaa hawada ku lumisay mid ka mid ah daaqadaheeda, taasoo ku khasabtay in ay si degdeg ah ugu degto gobolka Oregon ee dalka Maraykanka Jimcihii.

Diyaaradda Alaska Airlines oo ah noocay ay samayso shirkadda Boeing ee 737 Max 9 ayaa ku soo laabatay Portland, 35 daqiiqo markay socotay duulimaadkeedii Kalifornia ka dib markii qaybta bannaanka, oo ay ku jirto daaqad, ay soo dhacday.

Alaska waxay sheegtay in diyaaradda oo ay saarnaayeen 177 rakaab ah iyo shaqaalihii diyaaradda “ay si nabad ah u degtay”.

Shirkaddu waxay sheegtay in ay si ku meel gaar ah u joojin doonto dhammaan 65 ka mid ah diyaaradaheeda 737 Max 9 si ay baaritaanno ugu sameyso.

Boeing waxay sheegtay inay ka warhayso dhacdadan ayna “ka shaqaynayso sidii ay xog dheeraad ah u ururin lahayd”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here