Kooxaha Tirada Ugu Badan Ku Guulaystay FA Cup-ka Oo La Soo Saaray

0
183

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxa xalay si Rasmi ah u bilowday tartanka ugu da’da weyn kubada cagta ee FA Cup iyada oo ay kooxo badan ka qayb gali doonaan.

Kooxaha premier League ayaa wareegan ka qayb galaya iyaga oo ku tartamaya ku guulaysiga koobak taariikhda leh.

Kooxda Arsenal ayaa ah kooxda ugu guulaysiga badan tartanka taariikhdiisa iyaga oo ku guulaystay 14 jeer taariikhda.

Waxa ku xigta kooxda Man United oo 12 jeer ku guulaystay koobka iyaga oo 2 koob ka hooseeya kooxda Arsenal.

Waxa ku xiga kooxaha Liverpool, Chelsea iyo Tottenham oo min 8 jeer ku guulaystay koobka FA Cup-ka taariikhdooda.

Waxa ku xiga kooxaha Aston Villa iyo Man City oo min 7 jeer ku guulaystay koobka Taariikhiga ah.

Halkan Hoose kaga bogo kooxaha ugu guulaysiga badan koobka:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here