Atoore caan ah oo hadiyad lama filaan ah gudoonsiiyay arday Afrikaan ah.

0
78

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Jilaaga caanka ah ee filimada Hollywoodka ee u dhashay dalka Mareykanka, Will Smith, ayaa si kadis ah u soo wacay wiil u dhashay dalka Guinea oo baskiil ku maray guud ahaan Afrika si uu jaamacad ugu biro.

Sanadkii la soo dhaafay, Wilkan oo lagu magacaabo Mamadou Safayou Barry, ayaa qabsaday warbaahinta kadib markii uu jaray masaafo dhan 4,000 oo kilo mitir oo u dhiganta 2,500 oo mayl.

Wicitaanka oo ahaa muuqaal, ayaa Smith waxaa uu wiilkaas u sheegay inuu ‘aad u soo jiitay dedaalkiisa’, wuxuuna hadiyad ahaan u siiyay baskiil cusub iyo laptop.

Smith ayaa sheekada wiilkaas ka akhriyay barta Instagramka ee BBC-da bishii Septembar. ‘Waxaan doonayaa in dunidu ogaato sheekadaada’, ayuu yiri.

Bishii May ee sanadkii hore, wiilkan 25 sano jirka ah ayaa ka soo amba baxay dalka Guinea ee waqooyiga Afrika, wuxuuna baskiil ku maray dalal badan si uu u gaaro magaalada Qaahira isla markaana uu ugu biro jaamacadda Al-Azhar ee ku taala magaalada Qaahira.

Ma uusan awoodin lacag uu ku tigitka bixiyo diyaaradda, wuxuuna safarka baskiilka ku qaatay muddo afar bilood ah, isago maray dalalka sida Mali, Burkina Faso, Togo, Benin, Niger iyo Chad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here