Xiddiga Ay Arsenal Bartilmaameedka 1-aad Ka Dhigatay Suuqa January Oo La Ogaaday.

0
162

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Arsenal ayaan samayn doonin saxiixyo waaweyn suuqa Januaey sabab la xidhiidha in ay ka cabsi qabto in ay jabiso xeerka dhaqaale wanaaga.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay Mirror, Gunners ayaa muhiimada 1-aad ka dhigatay bartilmaameedka 1-aad in ay la soo saxiixato xiddig daafac bidix ka ciyaara.

Mikel Arteta ayaa doonaya ugu yaraan hal daafac bidix ka dib markii uu arkay Oleksandr ZInchenko sameeyay khaladaad badan xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayay u badan tahay in ay heshiis amaah ah kula soo saxiixanayso daafac cusub maadama ay ku adagtahay in ay lacag ka soo bixiso.

Kieran Tierney ayay u badan tahay in aan dib looga yeedhi doonin Real Sociedad, halkaas oo uu la dhibtoonayay dhaawacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here