Qiimaha lacagta shillinka Kenya oo hoos udhac ku yimid.

0
99

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Sida ay dhowaan tebiyeen warbaahinta caalamka, oo ay ku jirto wakaaladda wararka ee Reuters, waxaa bilihii u dambeeyey hoos uu dhacay qiimaha shilinka dalka Kenya, inkastoo maalmahan ay jiraan ifafaalo inuu kor u soo kacayo.

Qiimaha dollar ayaa sara u kac ku yimid taasoo hoos u dhigtay qiimaha lacagta dalka Kenya ee shilinka.

Hoos u dhacan ku yimid qiimaha lacagta dalka Kenya ayaa sameyn ku yeelatay dadka danyarta ah.

Qiimaha shilinka dalkaasi marka uu hoos u dhaco waxaa sara ukac laga dareema qiimaha sarifka lacagta dollarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here