Shan qof oo saarnaa diyaaradda ilaalada xeebaha oo ku dhintay dalka Japan

0
90

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shan qof oo la socday diyaaradda ilaalada xeebaha Japan ayaa dhintay, wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa wasiirka gaadiidka ee Japan ayaa sheegtay.

Warbaahinta dowladda ee NHK ayaa sidoo kale sheegtay in shan qof ay dhinteen.

Duuliyaha ayaa baxsaday balse waxaa soo gaaray dhaawac culus, ayuu hadalkiisa ku daray.

Waxaa la rumeysan yahay in diyaaradda ilaalada xeebaha, oo raashin u wadday goobihii uu ku dhuftay dhulgariirkii xoogga badnaa ee Isniintii, ay ku dhacday diyaaradda Japan Airlines, xilli ay ku soo degeysay dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here