Galmudug Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Jubbaland.

0
197

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Kooxda maamul Goboleedka Galmudug ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Gobolka Jubbaland kulan xiiso lahaa.

Kulanka ayay labada kooxood isaga hor yimaadeen tartanka maamul Goboleedyada Somaliya.

Labada kooxood ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah iyaga oo kala qaybsaday labada qaybood ee ciyaarta.

Kooxda Gobolka Jubbaland ayaa dqiiqadii 29-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga AbdiFitaax Siyaad waxana uu ciyaarta ka dhigay 1/0.

Kooxda Jubbaland ayaa sii waday ciyaartooda iyaga oo raadinayay in ay dilaan ciyaarta dhaliyaan goolal kale.

Daqiiqadii 32-aad ayuu Kooxda Jubbaland dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Bakar Sheikh kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa ay cid walba filaysay in ay ciyaartu sidaas ku dhamaatay isla markaas Kooxda Jubbaland si dhib yar ku helayso 3-da dhibcood.

Laakiin daqiiqadii 48-aaad ee qaybta dambe ayay kooxda Galmudug dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Sayid Cumar kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Kooxda Galmudug ayaa u muuqatay kuwa fiican waxana ay maamulayeen ciyaarta.

Daqiiqadii 79-aad ayay kooxda Galmudug dhalisay goolka 2-aad ee bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Diini Maxamed isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Kooxda Galmudug ayaa dhamaystiray soo laabashada taariikhiga ah daqiiqadii 87-aad waxana goolka u dhaliyay xiddiga Cabdalla kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay kooxda Galmudug samaysay soo laabasho cajiib ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here