DEG-DEG: Jadon Sancho Oo Ku Dhaw In Uu Ka Tago Man United.

0
181

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United iyo Borussia Dortmund ayaa wadahadalo ku jiro si ay uga heshiiyaan saxiixa xiddiga Sancho oo doonaya in uu ku laabto Bundesliga.

Sancho ayaan u ciyaarin kooxda 1-aad tan ilaa bishii August waxana suuqa la dhigay bishan January kadib khilaaf soo kala dhex galay xiddiga iyo tababare Ten hag.

Sida laga soo xigtay Syk Sport Germany, Dortmund ayaa wadahadalo kula jirta Man United si ay ula saxiixdaan xiddiga ay 73 milyan ku iibiyeen sanadkii 2021.

Dortmund ayaa doonaysa in ay heshiis amaah ah ku qaadato xiddiga iyada oo xiddigu doonayo in uu ku laabto Dortmund oo uu wakhti cajiib ah ku qaatay.

Bild ayaa sidoo kale sheegtay in wada xaajoodyada u dhexeeya kooxaha ay ‘ku dhow yihiin gebo-gebo’ iyadoo Sancho la filayo inuu yimaado xerada tababarka Dortmund toddobaadkan.

Kooxda Dortmund ayaa la filayaa in ay bixiso lacag amaah ah iyo waliba in ay bixiso inta ugu badan mushaharka xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here