Madaxweynaha la doortay ee Congo oo ballan-qaaday inuu dalkiisa ka dhigi doono “Jarmalka Afrika”

0
88

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Natiijooyinka doorashada ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo ayaa sheegaya in Madaxweyne Felix Tshisekedi uu ku guuleystay 73% codadka, sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashooyinka.

Balse hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa taageerayaashooda ugu baaqay inay bannaan baxaan, iyagoo ku sababeeyay in codbixintu aysan caddaalad ahayn.

Billowgii sanadkii 2019, markii ugu horreysay ee madaxtinnimada dalkaas loo doortay, madaxweynaha Congo Félix Tshisekedi wuxuu ballan qaaday in dalkiisa uu ka dhigi doono “Jarmalka Afrika”.

Wuxuu ballan qaaday inuu kobcin doono dhaqaalaha uuna dadka u abuuri doono shaqooyin, iyadoo dalkaasi uu leeyahay kheyraad aad u badan balse haddana dadkiisu ay saboolnimo ku nool yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here