Liverpool Oo Garaacday Newcastle Siina Dheeraystay Hogaanka Premier League.

0
213

Jowhar – ( Radio isnaay )- Liverpool ayaa sii dheeraystay hogaanka horyaalka premier League kadib markii ay garaacday Newcastle kulan ka tirsanaa Premier League.

Kooxda Klopp ayaa ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo Ku qaadayay Newcastle weeraro aan kala joogsi lahayn.

Liverpool ayaa dhalisay gool wakhti hore ah oo uu u dhaliyay Luiz Diaz laakiin goolka ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside.

Liverpool ayaa heshay rikoodhe daqiiqado yar kadib waxana u istaagay Mohamed Salah laakiin Goolhayaha Newcastle ayaa si cajiib ah u badbaadiyay.

Kadib kooxda Newcastle ayaa dhaliysay gool Laakiin waxa diiday Garsooraha sabab la xidhiidha Offside.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here