Laba Sabab Oo Kooxda Gobolka Banaadir Ka Caawisay In Ay Garaacdo Kooxda KG.

0
180

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Waxa soo dhamaatay ciyaartii xiisaha lahayd ee dhexmartay Kooxda Gobolka Banaadir iyo Kooxda Gobolka Koonfur-Galbeed kulan ka dhacay garoonka Muqdisho.

Kulanka ayaa ahaa mid ay taageerayaal soo buux dhaafiyeen garoonka labada kooxoodna soo bandhigeen qaab ciyaareed qanciyay taageerayaashii soo daawasho tagay.

Kooxda Gobolka Banaadir ayay guushu ku raacday 1/0 kulan labada kooxood si fiican u ciyaareen.

Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa sababtii ka dambaysay guusha Banaadir.

1.Daafaca Banaadir oo ahaa kuwo isku xidhan:

 

 

Dafaca Kooxda Banaadir ayaa ahaa kuwo isku xidhan iyada oo ayna weeraryahanada Gobolka Koonfur-Galbeed u ogolaan in ay si dhib yar ku dhaafaan.

Sidaas darteed daafaca xulka Kooxda Banaadir ayaa si fiican u ilaashaday goolkooda.

2.Weeraryahanada Koonfur-Galbeed oo ku dhibaatooday goolka hortiisa.

Weeraryahanada kooxda Koonfur-Galbeed ayaa si weyn ugu dhibaatooday goolka hortiisa.

Kooxda kooxda Koonfur-Galbeed ayaa heshay fursado cajiib ah waxana ay dhalin kareen goolal laakiin mar walba oo ay Goolka hor tagaan waxa ka dhimanaa dhamaystirka Fursadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here