Koonfur Afrika oo dacwad ka gudbisay Israa’iil

0
136

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Koonfur Afrika ayaa maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) u gudbisay dacwad ku saabsan in Israa’iil ay “xasuuq” ka waddo Qasa.

Maxkamadda Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay dacwadda ku saabsan ku xadgudubka waajibaadka Israa’iil ee hoos yimaada Axdiga Xasuuqa.

Israa’iil ayaa si adag u diidday eedeynta, waxayna ku tilmaantay “mid aan sal iyo raad toona lahayn”.

Maxkamadda ICJ, oo fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland, ayaa ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka sharciga. Waxay xallisaa khilaafaadyada u dhexeeya dawladaha waxayna samaysaa talo-bixin ku saabsan arrimaha sharciga caalamiga ah.

Kaddib codsigii ay u gudbisay maxkamadda ICJ, madaxtooyada Koonfur Afrika ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in waddanka ay waajib ku tahay “ka hor tagga in xasuuq uu dhaco”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here