Galmudug & Hirshabelle Oo Bar-Baro Ku Heshiiyay Bilowga Koobka Maamul Goboleedyada Somaliya.

0
453

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxa bilowday tartanka maamul Goboleedyada Somaliya kaa soo ka magaalada Muqdisho.

Labada xul ee Galmudug & Hirshabelle ayaa lagu furay tartanka iyada oo uu kulan xiiso leh dhacay.

Labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar qurux badan iyaga oo ku kala bixi waayay kulanka.

Xulka Galmudug ayaa u muuqday mid saamayn weyn leh iyaga oo maamulayay ciyaarta kana fiicnaa xulka Hirshabelle.

Qaybtii hore ayuu xulka Galmudug dhaliyay gool waxana u dhaliyay xiddiga Maxamed Siciid Aadan kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka Galmudug hogaaminayo isla markaas ahaa xulka qaab ciyaareedka fiican.

Qaybta dambe ayay labada xulkab isku jawaabeen iyada oo mid walba sameeyay fursado aan kala joogi lahayn.

Iyada oo ciyaartu u muuqato mid sidaas ku dhamaanaysa ayuu xulka Hirshabelle wax walba badalay.

Daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta ayuu xididga  Yaasiin Cabdiraxman Yuusuf u dhaliyay goolka bar-baraha.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here