Dad lagu qabtay dalka Faransiiska oo dib loogu celiyay Hindiya.

0
101

Jowhar – ( Radio Isnaay )  -Diyaarad ay saarnaayeen 276 qof oo rakaab ah, taasoo muddo afar maalmood ah lagu xanibay dalka Faransiiska, sababo la xiriira in looga shakiyay in ay wadday dad tahriibayaal aj, ayaa saaka degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Mumbai.

Dadka saarnaa diyaaraddan waxaa u badnaa dad ka soo jeeda dallka Hindi.
Diyaaraddaan ayaa markii hore ka duushay dalka Imaaraadka Carabta iyadoo ku wajahneyd dalka Nicaragua, waxayna istaagtay Faransiiska si ay shidaal uga qaadato, taasoo keentay markii dambe in looga shakiyo in ay waddo tahriibayaal.

Waxaa lagu joojiyay garoonka Vetri, oo ku yaal meel 130 kilomitir bari ka xigta magaalada Paris.

Dacwad oogayaasha Paris ayaa sheegay in duulimaadka la hakiyay ka dib markii mas’uuliyiinta ay heleen xog qarsoodi ah oo ku saabsan in qaar ka mid ah rakaabka diyaaradda laga yaabo in ay yihiin ” dhibanayaal gacanta ugu jira kuwa dadka ka gancsada”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here