Man City Oo Ku Guulaystay Koobka Kooxaha Adduunka.

0
138

Jowhar – ( radio Isnaay ) – Kooxda Man City ayaa markii ugu horaysay taariikhdooda ku guulaystay koobka kooxaha adduunka ee ka socday dalka Sucuudiga.

Man City ayaa tartanka ku garaacday kooxda Fluminense iyaga oo markii ugu horaysay taariikhdooda ku guulaystay koobka.

Kulanka ayaa ahaa mid dhinac kaliya ah iyada oo kooxda Pep Guardiola dhinac walba kaga fiicnayd kooxda reer Brazil.

Daqiiqadii 1-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Julian Alverez kaas oo sidoo kale daqiiqadii 88-aad dhaliyay goolkiisii 2-aad ee ciyaarta.

Xiddiga Nino ee u ciyaara kooxda Fluminense ayaa daqiiqadii 27-aad si khaldan isaga dhaliyay gool halka uu Foden daqiiqadii 72-aad dhaliyay goolka kooxda.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City markii ugu horaysay taariikhdooda ku guulaystay koobka kooxaha adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here