Isku-aadka Semi-finalka Carabao Cup Oo La Shaaciyey.

0
148

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Isku-aadka wareegga afar-dhamaadka ama semi-finalka tartanka Carabao Cup/EFL Cup ayaa la shaaciyey, kaddib markii ay soo dhamaadeen kulamadii wareegga siddeedda ee ay kooxuhu rafaadka ku mareen.

Chelsea, Fulham iyo Middlesbrough ayaa soo gudbay Salaasadii, waxaana soo raacday Liverpool oo kusoo baxday natiijadii ugu weynayd ee laga diiwaangeliyo wareeggii siddeedda Carabao Cup, kaddib markii ay shan gool ku khaarajisay West Ham.

Liverpool oo sagaal jeer ku guuleysatay tartankan ayaa jamaahiirteeda loo aqbalay ducadoodii ahayd in ay ka badbaadaan Chelsea oo ah kooxda dhibaatada ugu badan ay kala kulmayeen sannadihii ugu dambeeyey, sidoo kalena ka hor istaagtay horyaalka Premier League sannadkii 2014 oo kulankii ugu dambaysay oo ay xataa barbarro ku qaadayeen jallaafo u dhigtay, isla markaana si xun u garaacday.

Chelsea oo waqtigii dheeraadka ahaa barbarraysay Newcastle, kaddibna rikoodheyaal kusoo garaacday Salaasadii, ayaa waxa ay ku beegantay oo ay semi-finalka la ciyaari doontaa Middlesbrough oo ay marti u noqon doonto, halka Liverpool ay semi-finalka soo dhoweyn doonto Fulham oo ay ku qaabbili doonto Anfield.

Lugta hore ee wareegga semi-finalka Carabao Cup ayaa la ciyaari doonaa January 8, waxaanay ugu soo beegmaysaa xilli mashquul badan oo ay kulamo tiro badan ciyaari doonaan kooxuhu, halka lugta labaadna la dheelayo January 22.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here