DEG-DEG: Chelsea Oo Dhaawac Ku Wayday Enzo Fernandez

0
152

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Chelsea ayaa gashay walaac cusub ka dib markii Enzo Fernandez uu u muuqday mid jug ka soo gaaray kulanka Newcastle.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa lagu bedelay Armando Broja ka dib kaliya 32 daqiiqo kulankii Newcastle.

Fernandez ayaa si toos ah ugu baxay qolka Labiska iyada oo uu raacay mid ka mid ah dhakhaatiirta kooxda chelsea.

Xiddiga ayaa dalbaday in la badalo daqiiqado ka hr intii aan la badalin waxana uu isku dayay in uu sii wato ciyaarta.

Blues ayaa haatanba dhaawac uga maqan 10 xiddig oo kooxda 1-aad ah kuna jiraan kabtanka kooxda ee Reece James iyo Goolhaye Robert Sanchez.

Pochettino ayaa rajaynaya in uuna dhaawacu ahayn mid halis ah isla markaas taam u noqon doono kulamada soo socda ee kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here