Van Dijk: Hal Koox Ayaa Doonaysay In Ay Badiso Kulanka Laakiin

0
144

Jowhar-(Isnaay Radio)-  Daafaca kooxda Liverpool ahna kabtanka Reds ee Virgil Van Dijk Ayaa ka hadlay kulankii ay kooxdiisu bar-baraha niyad jabka leh ee ka tirsanaa premier League.

Kulanka ayaa ku dhamaaday bar-baro 0/0 iyada oo Liverpool ku fashilantay in ay 3-da dhibcood ka hesho kulanka marka la eego in ay ahaayeen kooxda fiican.

“Waxa jirtay hal koox oo isku dayday in ay ciyaarta guulaysato laakiin nasiib daro may dhicin. Dhinac walba waan ka fiicnayn”ayuu Van Dijk yidhi ciyaarta kadib.

“Waxay rajaynayeen inay nagu dhaawacaan weerarka rogaal celiska ah, waxana ay ku faraxsan yihiin halka dhibic ee ay heleen”.

Kooxda Liverpool ayaa haatan ku jirta kaalinta 2-aad waxana ay hal dhibci ka dambaysaa kooxda Hogaaminaysa horyaalka ee Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here