66 qof oo laga soo badbaadiyay xeebaha Fransiiska.

0
38

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Hal qof ayaa dhintay mid kalena waxa uu ku sugan yahay xaalad halis ah kadib markii doon ay saarnaayeen dad tahriibayaal ah ay qayb ka mid ah shil ku gashay agagaarka xeebaha Faransiiska.

In ka badan 60 qof ayaa la socday doonida, taasoo dhibaato ka soo gaartay meel 8km u jirta xeebaha Faransiiska, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha Faransiiska.

Koox ka kooban 66 qof oo badbaaday ayaa loo qaaday magaalada Calais, halkaasoo qofka dhaawaca ah lagu daweynayo isbitaalka.

Ilaalada xeebaha Faransiiska ayaa sheegay in laga yaabo in laba qof oo kale wali la la’yahay.

Badiigoobka dadka maqan ayaa weli socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here