Hordhac: Chelsea Vs Sheffield United:

0
147

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda chelsea ayaa marti galinaysa kooxda Sheffield United kulan ka tirsan premier League kana dhici doona Stamford Bridge.

Chelsea ayaa isha ku haysa in ay badiso kulan xidhiidh ah markii ugu horaysya muddo aad u dheer.

Dhinaca kale kooxda Sheffield United oo loo doortay tababare cusub ayaa doonaysa in ay ka baxdo natiijooyinka xun.

Kulanka: Chelsea Vs Sheffield United

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:00

Garoomada: Stamford Bridge.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Chelsea ayaa badisay shan ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeysay Premier League oo ay la ciyaartay Sheffield United, hal barbaro iyo guuldarro.

Guushii ugu dambeysay ee Sheffield United ay ka gaarto Blues waxay ahayd 3-0 ay kaga badiyeen Bramall Lane bishii july 2020.

Blades ma aysan ilaashan shabaqeeda 29 kulan oo horyaalka ah oo ay u safartay Stamford Bridge tan iyo barbaro goolal la’aan ah bishii October 1922kii.

Chelsea ayaa u tartameysa inay badiso kulamada isku xigta ee horyaalka Premier League markii ugu horeysay tan iyo seddexdii bilood ee ugu dambeysay ee August ilaa October ee sanadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here