Dal Yurub ka tirsan oo hor istaagay lacag mucaawino ah oo la gaarsiin lahaa Ukraine

0
40

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Dalka Hungary ayaa xannibtay €50bn ($55bn; £43bn) oo midowga Yuurb ku caawin jirtay Ukraine – saacado uun ka dib markii la isku afgartay in la bilaabo wadahadalka xubinnimada.

Ra’iisul wasaaraha Hungary Viktor Orban  ayaa yiri “ Diidmada qayaxan ee lacagta dheeraadka ah ee Ukraine,”  basle ma bixin faah faahin kale oo dheeraad ah.

Hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa sheegay in wada xaajoodyada gargaarka ay dib u bilaaban doonaan horraanta sanadka soo socda.

Ukraine waxay si aad ah ugu tiirsan tahay dhaqaalaha Midowga Yurub iyo Mareykanka iyadoo sii wadda dagaalka ay kula jirto ciidamada Ruushka ee ku soo duulay.

Joojinta gargaarka ayaa waxaa ku dhawaaqay Mr Orban wax yar ka dib markii madaxda Midowga Yurub ay go’aansadeen in ay wadahadal xubinnimo ah la furaan Ukraine iyo Moldova iyo in Georgia la siiyo aqoonsiga musharaxnimada .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here