Mikel Arteta Oo Sheegay Faa’iidada Ay Kooxdiisa U Leedahay In Uu Ka Maqnaado Kulanka Aston Villa.

0
112

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta kooxda Aston Villa maalinta sabtida ah kulan ka tirsan todobaadkii 16-aad ee horyaalka premier League.

tababaraha Arsenal ayaa ka maqnaan doona kaydka kooxdiisa sabab la xidhiidha ganaax uu qaadanayo waxana uu ciyaarta ka daawan doonaa taarabuunka.

Tani waa markii labaad ee uusan Arteta tababare hogaamin kooxdiisa Arsenal kulan ka dib markii uu seegay ciyaartii Manchester City ee 2022 sababo la xiriira caabuqa Korona.

Arteta ayaa aaminsan in maqnaanshihiisa Arsenal ee berri ay noqon karto mid wanaagsan, isagoo yiri: “Waxaan rajeynayaa inay si fiican u ciyaari doonaan, inay noqdaan kuwa wanaagsan, waxaana saameyn ku yeelan karaa maskaxdeyda wanaagsan”.

“Nico Gove (Caawiyaha Arsena) ayay garab istaagi doonaan sidii ay horay u sameeyeen”ayuu sii raaciyay.

Wuxuu intaas ku daray: “Ugu yaraan waxaan khibrad yar u leeyahay, hadda tani waxay noqon doontaa markii labaad, laakiin aad ayaan u soo dhowaan doonaa, taas oo aan filayo inay tahay mid togan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here