Muxuu Pep Guardiola Ka Yidhi Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Aston Villa.

0
138

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa kasoo muuqday war saxaafadeed ka dib guuldaradii 1-0 ee kasoo gaartay Aston Villa kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Tababaraha ayaa yiri: “Aston Villa si fiican ayay u ciyaartay, qeybta hore ma dhaqaaqin markii aan kubad heysano, qeybta labaad aad ayaan u fiicnayn waxana aan helnay fursado laakiin waxa aan ku dhibaatoonay dhaq-dhaqaaq sax ah”.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Waa inaan aqbalnaa in Aston Villa ay naga fiicnayd Waa in aan diirada saarno kulanka soo socda ee Luton”.

Kooxda Man City ayaa ku dhaadhacday kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka premier League iyaga oo leh 30 dhibcood oo kaliya.

Kooxda Tababare Pep ee Man City ayaa haatan bilaa guul ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka premier League.

Man City ayaa bar-baro gushay 3 kulan halka laga badiyay kulan kaliya 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaartay horyaalka premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here