David De Gea Oo Ku Soo Laabanaya Premier League, Kooxdee Ayuu Ku Biirayaa?

0
175

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Sida laga soo xigtay wargeysyada, Newcastle United ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo saxiixa goolhayihii hore ee Manchester United David De Gea ka dib markii ay ogaatay in Goolhaye Nick Pop dhaawac ku maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Nick Pope ayaa si xun u dhaawacmay ciyaartii Newcastle United ay la ciyaartay Manchester United sabtidii hore.

Goolhayaha kooxda Newcastle United Nick Pope ayuu garabka dhaawac ka soo gaadhay waxana la filayaa in uu garoomada ka maqnaado muddo dheer.

Waxaa jirta suurtogal ah in Nick Pope uu maqnaan doono ku dhawaad ​​inta ka dhiman xilli ciyaareedkan, Newcastle United ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo saxiixa goolhayihii hore ee Manchester United David De Gea.

Goolhayaha reer Spain ayaa koox la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tagay Manchester United xagaagii hore kadib markii uu dhacay qandaraaskiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here