Diyaaradda Itoobiya oo mamnuucday bac naaneys xun leh

0
120

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ayaa mamnuucday bac laga isticmaalo wadamo badan oo kamid ah Afrika balse naaneys iyo taariikh xun ku dhex leh gudaha dalka Nigeria.

Bacdaan ayaa gudaha Nigeria waxaa looga yaaqaanaa ‘Ghana ha iska baxdo’.

Naaneystaan ayaa timid kadib markii sanadkii 1980 kii ay dawladda Nigeria waddankeeda ka musaafurisay kumanaan soo galooti sharci la’aan ahaa oo badankood ka yimid dalka Ghana.

Dadkaas ayaa xilligii waddanka ka tagayeen waxay alaabahooda ku gurteen bacdaan leh midabada isku jira ee u badan buluuga iyo gaduudka islamarkana alaabaha ku ritan dadka safarka ah.

Shirkadda diyaaradaha ee itoobiya ayaa sheegtay in bacdaan ay saameyn ku yeelato qalabka garoomada diyaaradaha.

Balse waxay shirkaddu sheegtay in bacdaan la isticmaali karo hadii lagu sii dhex rido kartoon ama qolof kale oo adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here