Diyaarad ku burburtay meel u dhow caasimadda dalka Japan

0
79

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Saraakiisha Japan ayaa sheegay in diyaarad ka duushay saldhigga ciidamada cirka ee Yokota ee Tokyo, ay ku burburtay saaka jasiiradda Yakushima ee koonfurta dalkaas .

Warbaahinta Japan ee NHK ayaa sheegtay in diyaaraddu isku dayaysay in ay ku degto garoonka diyaaradaha ee Yakushima. Waxana intaa lagu daray in diyaaraddu gubatay.

Howlgal samatabixin ah ayaa socda,wax faahfaahin ah ilaa iyo hadda lagama bixin tirada dadka saarnaa iyo khasaaraha ka dhashay.

Bishii Agoosto, diyaarad noocaan ah ayaa ku burburtay waqooyiga Australia intii lagu jiray dhoolatus milatari oo ay sameynayeen ciidamo ka mid ah kuwa gudaha, waxaana ku dhintay saddex ka mid ah ciidamada badda ee Mareykanka oo ka mid ahaa 23 qof oo saarnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here