Tartanka Eeyaha oo lagu qabanayo dalka Sacuudiga.

0
98

Jowhar – ( Radio Isnaay ) –  Dadka isticmaal baraha bulshada ayaa si weyn uga falceliyay tartanka Eeyaha oo la filayo in lagu qabto dalka Sacuudiga dhamaadka bishan.

Shabakadda Riyaad oo soo qabanqaabisay taratanka ayaa shaacisay in uu socon doon muddo labo maalmood ah, iyadoo ku micneysay in loo arko inay tahay dabbaaldeggii ugu horreeyay ee adduunka oo la isugu keeno afar horyaal oo Ey ah .

Waxaa laga fiirin doon, tartanka Eyga ugu firfircoon ,kana ugu qurxoon,iyo kan ugu shaqada badan inta tartanka uu socado.

Tartanka ayaa waxaa ka qeyb galay in ka badan 250 eey oo laga kala keenay daahfah aduunka.

Tartanka eeyaha oo qeyb ka ah bandhiga Riyaad ee 2023 ayaa dhaliyay muran baahsan oo u dhexeeya bulshada Sacuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here