Dadka Qaza oo safaf ugu jira gaaska cuntada lagu karsado.

0
90

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Gawaarida xamuulka qaada oo sida  gargaar iskugu jira cunno, daawo iyo gaas ayaa gaaray magaalada Qasa si loogu caawiyo dadka dhibaateysan.

Boqolaal ruux ayaa safaf dhaa dheer u soo galay gargaarkan markii uu gaaray Qasa si ay uga faa’ideystan.

Sawiro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya dad saf dheer ugu jira gaaska lagu karsado cunnado oo dadkan baahi weyn u qabeen.

Dhanka kale Xamaas ayaa sii deysay 14 ruux oo u dhalatay israaiil halka israaiilna ay sii deysay 42 ruux oo falastiiniyiin ah.

Waa malintii labaad oo xirir ah oo gaadiid sida gargaar uu gaaro magaalada Qasa kadib markii heshiis xabad joojin ah oo afar maalmood ah wada gareen Xamaas iyo Israaiil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here