Arsenal Oo Si Buuxda Ula Wareegtay Hogaanka Premier League Kadib Guushii Brentford.

0
117

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Arsenal ayaa si buuxda ula wareegtay hogaanka horyaalka premier League kadib markii ay ka badiyeen kooxda Brentford.

Arsenal ayaa ka faa’iidaysatay bar-barihii ay galeen Liverpool iyo Man City waxana ay la waregeeen hogaanka premier League.

Kooxda Mikel Arteta ayaaa ahayd kooxda fiican waxana ay wax walba u sameeyeen sidii ay u dhalin lahaayeen gool.

Laakiin Brentford ayaa iska caabin xoogan kala hor tagtay kooxda Arsenal iyaga oo si fiican u difaacday goolkooda.

Ciyaarta ayaa ahayd mid dirqi lagu kala baxay maadama ayna labada kooxoodba furin daafacooda.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro 0/0 ah waxana ay labada kooxood ku fashilmeen in ay goolal kala dhaliyaan.

Daqiiqadii 89-aad ee qaybta dambe ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana goolka u dhaliyay xiddiga Kai Havertz.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal si buuxda ula wareegtay hogaanka horyaalka premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here