Cristiano Ronaldo Mise Lionel Messi? Mikel Arteta Oo Doortay Xiddiga Ugu Fiican Adduunka.

0
117

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ku biiray dooda xiddiga fiican Ronaldo iyo Messi.

Dooda ah xiddiga fiican labada xiddig ayaa mar walba ah mid si weyn loo hadal hayo iyada oo taageerayaasha ama khabiirada kubada cagta fikirkooda ka dhiibtaan.

Haatan tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ku biiray Liiska dadka fikirkooda ka dhiibtay midka fiican labada xiddig ee Messi iyo Ronaldo.

Isaga oo ka hadlaya dooda midka fiican labada xiddig ayuu tababaraha reer Spain u leexday dhinaca Lionel Messi.

“Xiddiga ugu fiican adduunka, lama soo ciyaarin sidoo kale tababare uma noqon laakiin waa in aan doorto Leo Messi”ayuu Artrta yidhi.

“Aniga fikir ahaantayda waa xiddiga ugu saamaynta badan taariikhda kubada cagta Abid”.

“Wali maynu arag qof sameeya waxa uu ka sameeyo garoonka dhexdiisa muddo sanado ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here