Madaxweynaha Kenya oo Jarmalka u jooga si uu dadkiisa ugusoo hanto 20 kun oo shaqo

0
99

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in uu hiigsanayo sidii dadka Kenyaanka ah ay shaqooyin uga heli lahaayeen dalka Jarmalka, xilli ay sii xumaaneyso shaqo la’aanta ka jirta dalkiisa.

Wuxuu sameeyay kulankan wax yar ka hor inta uusan u dhoofin Yurub shirka G20.

In ka badan toban hoggaamiye oo Afrikaan ah ayaa ku wajahan caasimadda Jarmalka ee Berlin, si ay u raadiyaan fursado dhaqaale, oo ay ku jiraan heshiisyo dhoofinta shaqada iyo kordhinta maalgashiga dhaqaalaha Afrika.

“Ra’iisul wasaaraha Jarmalka wuxuu joogay Kenya saddex ilaa afar bilood ka hor. Caawa waxaan u safrayaa Jarmalka sababtoo ah wuxuu noo balan qaaday in aanu heli doonno 200,000 oo shaqo. Waa inaan daba gal ku sameeyaa fursadahaas,” ayuu yiri Mr Ruto Axadii.

Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz, oo booqashooyinkiisii ugu dambeeyay ee Afrika ay ka mid ahaayeen safarro uu ku tagay Kenya iyo Nigeria, ayaa muujiyay xiisaha uu u qabo kor u qaadida maalgashiga qaaradda, gaar ahaan macdanta muhiimka ah iyo qaybaha tamarta cagaaran.

Shirkan oo uu cinwaankiisu yahay Lifaaqa G20 ee Afrika , ayaa ujeedadiisu tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhaqaale ee ka dhexeeya dalalka Afrika iyo kuwa G20.

Saddex iyo toban waddan oo Afrikaan ah ayaa barnaamijka qayb ka ah – Benin, Burkina Faso, Ivory Coast, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Masar, Itoobiya, Ghana, Guinea, Morocco, Rwanda, Senegal, Togo iyo Tunisia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here