Duuliye si xeeladeysan u soo dajiyay diyaarad xili ay dufaan socotay

0
114

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Diyaarad ku socotay garoonka diyaaradaha ee Dublin ayaa ku qasbanaatay iyadoo uu jirto duufaanta Debi 3 dex maalin ka hor.

Duuliyaha ayaa laba jeer isku dayay inuu soo dego ka hor inta uusan u weecin magaalada Shannon ee galbeedka Ireland si uu shidaal u soo qaato.

Diyaaradda Airbus A330, oo siday rakaab oo ka soo kacday magaalada New York, ayaa ugu dambayntii dib ugu soo laabatay oo ku degtay Dublin kadib seddex jeer oo ay isku dayday inay degto.

Duufaanta Debi ayaa keentay in digniino laga soo saaro qaybo ka mid ah Ireland Isniintii, kuwaas oo hadda la qaaday.

Dabeylo xooggan iyo roobab wata ayaa sababay in tobanaan kun oo guri iyo goobo ganacsi ay koronto la’aan noqdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here