Xidhiidhka Kubadda Cagta Ingiriiska Oo Ganaaxay Tababare Mikel Arteta

0
81

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa ganaax kusoo rogay tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta oo eedaymo u jeediyey garsoorihii hagayey ciyaartii Newcastle United ay guul-darrada usoo xambaarisay horraantii bishan, taas oo ay dood badan ka dhalatay.

Mikel Arteta ayaa si aad ah uga cadhooday go’aamadii uu qaatay garsoore Stuart Attwell iyo garsoorihii VAR ee Andy Madley, kaddib markii ay ogolaadeen gool uu ka dhaliyey Anthony Gordon.

Arteta ayaa ku tilmaamay go’aamada garsooraha kuwo fadeexad iyo ceeb ahaa oo aan marnaba la aqbali karaynin, hase yeeshee xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa war-saxaafadeed uu caawa soo saaray wuxuu ku sheegay in Mikel Arteta lagu soo rogay ganaax la xidhiidha durista garsooreyaasha.

War-saxaafadeedka xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa lagu yidhi: “Mikel Arteta waxa lagu ganaaxay in uu jabiyey qodobka FA Rule E3.1, kaddib faaladii uu ka sameeyey waraysigii warbaahinta ee markii ay soo dhamaatay ciyaartii Premier League ee Arsenal iyo Newcastle United ee Sabtidii 4 November.

“Hadalladiisu waxay kasoo horjeedeen shuruucda, waxaanay cay iyo aflagaaddo ku ahaayeen garsooreyaasha. Mikel Arteta waxa uu haystaa illaa Salaasada 21 November in uu kaga soo jawaabo ganaaxa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here