Hilib dameer oo loo waday Nairobi oo la qabtay.

0
116

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Ciidamada ammaanka ismaamulka Muranga ee dalka kenya ayaa gacanta ku dhigay gaari sida 3,000 oo kilo oo hilib dameer ah kaasoo lagu qabtay beer ku taalla deegaanka Makuyu.

Ku xiigeenka guddoomiyaha amaanka ee ismaamulka Muranga, Gitonga Murungi, ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen ilaa 3,000 oo kilo oo la doonayay in lagu iibiyo kawaannada hilibka ee magaalada Nairobi.

Waxaa uu intaa ku daray in 10 qof oo kale oo laga shakisanyahay ay baxsadeen.

Mr Murungi ayaa sheegay in baaritaan ay sameeyeen kadib ay ku ogaadeen in in kabadan 70 dameer la qalay mudo sadex maalmood gudahood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here