Reece James Oo Go’aan Ka Gaadhay Xiisaha Man City & Real Madrid.

0
133

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kabtanka Chelsea Reece James ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo in uu sii joogo kooxda Chelsea inkastoo ay xiiseynayaan kooxaha Real Madrid iyo Manchester City.

James ayaa lala xiriirinayaa kooxaha Man City iyo Real Madrid kuwaas oo doonaya in ay ku xoojiyaan daafacooda mustaqbalka.

laakiin waxaa la filayaa inuu mustaqbalkiisa u hibeyn doono kooxda ka dhisan Stamford Bridge.

Xiddiga daafaca ka ciyaara ayaa ku dhibaatooday dhaawacyo waxana uu ciyaaray kulamadii ugu dambeeyay ee kooxdiisa kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac uu muqdo ku maqnaa.

James ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda chelsea waxana dhawaan loo doortay kabtanka kooxda isaga oo door ku leh qorshaha tababare Pochettino.

Sida laag soo xigtay 90min, James ayaan wax xiiso ah u qabin in uu ku biiro Man City ama Real Madrid isla markaas uu doonayo in uu sii joogo kooxdisa chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here