Raysal wasaarihii hore ee Ingiriiska oo loo magacaabay wasiir

0
112

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Raysal wasaarihii hore ee Ingiriiska David Cameron ayaa loo magacaabay, xog hayaha arrimaha dibadda ee dalkaas kadib isku shaandhayn lagu sameeyay golaha wasiirada.

Isku shaandhayntan waxaa shaqadeeda ku wayday xoghayihii arrimaha gudaha ee Britain Suella Braverman oo aad ugasoo horjeeday dibad baxyada lagu taageerayo Falastiin ee dalkaas ka socday tan iyo bilowgii colaadda Qasa.

David Cameron ayaa raysal wasaare ka ahaa dalkaas 2010-kii ilaa 2016 kii oo uu is casilay kadibna ay ka dambeysay Theresa May.

Waxyaabaha lagu xasuusto waxaa kamid ah inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay shirkii ballaarnaa ee Soomaaliya iyo beesha caalamka loo qabtay sanadkii 2012kii, kaas oo uu ka dhashay waxa hadda loo yaqaano ‘New Deal’.

Dhawaan ayey ahayd markii Raysal wasaarihii ka dambeeyay David ee lagu magacaabo Boris Johnson uu helay shaqo saxafinimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here