Kevin De Bruyne Oo Magacaabay Kooxaha Uu Ka Dhexeeyo Tartanka Premier League.

0
122

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City Kevin De Bruyne ayaa sheegay in uu tartanka horyaalku wali furan yahay.

Manchester City ayaa shalay barbardhac la gashay kooxda Chelsea, iyadoo koox walba afar gool ku dhalisay, ciyaar xiiso badan oo labada kooxood ku kulmeen garoonka Stamford Bridge ee horyaalka Premier League.

Xiddiga Kevin De Bruyne ayaa ka soo kabanaya dhaawac muruqa ah waxana la filayaa in uu muddo garoomada ka maqnaado.

De Bruyne oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa ay u egtahay in tartanku furan yahay”.

“Waxa jira 5 ilaa 6 koox oo u tartamaya horyaalka iskuna dhaw”.

“Tottenham waxa ay ku bilaabatay si fiican, Arsenal Iyo Liverpool ayaa ku jira tartanka, sidoo kale ha iloobin Aston Villa, Newcastle iyo Brihton kuwaas oo ku jira qaab ciyaareed fiican’.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Waa in aanad waligaa iloobin Man United sababto way adagtahay taasi”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here