Arsenal o Wajahaysa Laba Caqbadood Oo Waaweyn Oo Ku Aadan Saxiixa Douglas Luiz

0
158

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Rajada Arsenal ee la soo saxiixashada xiddiga Aston Villa Douglas Luiz bisha Janaayo ayaa ku xiran in xiddiga ku qasbo kooxdiisa in uu ku biiro Arsenal iyo kooxdu inay u hogaansantahay sharciga dhaqaale wanaaga.

Mikel Arteta ayaa doonaya inuu la soo saxiixdo xiddig khadka dhexe oo daafaca ah dib dhaawac soo gaaray Thomas Partey.

Laacibka reer Ghana lama filayo inuu garoomada ku soo laabto ilaa sanadka cusub, markaas oo uu ka qayb geli doono koobka qaramada Afrika oo uu matali doono xulka qarankiisa.

Luiz ayaa si weyn loola xidhiidhinayay Gunners sanadkii 2022 Laakiin Aston Villa ayaa sii haysatay xiddiga waxana uu kooxda u saxiixay heshiis cusub.

Xiisaha Arsenal ee Luis ayaa wali jira Arteta ayaana dareensan in uu xiddigu wax weyn ku soo dari doono kooxdiisa.

Laakiin qorshayaasha Arteta ayaa wajahaya laba caqabadood oo waaweyn.

mida ugu horaysa ayaa ah Villa ma rabto inay dhageysato dalabyada waxayna tixgelisaa Luiz inuu noqdo qayb muhiim ah oo ka tirsan kooxda Unai Emery.

Sidaas darteed Luiz ayaan si dhib yar uga tagi doonin kooxda waxana uu ku qasbanaan doonaa in uu warqada bixitaanka gudbiyo.

Arinta kale ayaa ah in ay Arsenal wajahayso dhibaato dhinaca dhaqaale wanaaga ah maadama ay Arsenal suuqa galisay wax ka badan 200 milyan suuqii xagaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here